faytamiin
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective) (-no, m.dh)(baay.) Mid ka mid ah iskudhisyada oorgaanikada ah ee noolayaashu uga haahanyihiin xaddi yar si ay cafimaadkooda u sugaan. ld fitamiin
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh faytamiin ↴
balaasma [m.dh]
(c.nafl.) Qaybta dareeraha ee dhiigga marka laga reebo unugyada dhiigga. Waxay u badantahay biyo ay walxo badani ku milanyihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin borotiinno, cusbooyin gaar ahaan (soodhiyam, bootaasiyam koloraydhyo iyo bikaarboonaytyo), iyo cuntooyin gulukows (amiino asiidhyo, dux), hormoono, faytamiino iyo walxo qashin ah.
fitamiin [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-no, m.dh)
Qayb ka mid ah nafaqooyinka cuntada laga helo oo jirka ka shaqaysiisa. ld faytamiin.
kaarotiin [m.l]
(baay.) Xubin ka mid ah dirta midabsidayaasha kaarotinoydh. Tusaale ahaan waxa ka mid ah beta-kaarotiin oo midab u yeesha xididka daba casaha iyo laykobiin oo bislaysa tamaandhada. Alfa iyo beta kaarotiin waxa laga helaa faytamiin A, marka xayawaanku dheef-shiido.