feed
(m.dh)Dhul sare oo fidsan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh feed ↴
buur barafeed [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-yo, m.dh)
Cuf baraf dhuleed oo ka sammaysmay dhammaadka baraf weyne ama baraf gogol. Buur baraftu waxay dul sabbaysaa badda.
dabayl-cirifeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.cimi.) Dabaylaha aad u qabow ee dhaca meelaha cadaadiska sare leh ee agagaarka cirifyada xagga gobollada dhexe. Kubbad-badhka woqooyi guud ahaan waxay ka dhacaan (kacaan) woqooyi bari, kubbad-badhka koonfureedna koonfur bari.
dharab-barafeed [m.l]
(fiis.) Dahaar baraf siman ah, oo mararka qaarkood leh dhumuc door ah, kaas oo ku dul samaysma walxaha roobku kula da'ayo jawi heerkulkiisu uu ka hooseeyo barta barafowga. Dharab baraf waxa kale ee uu samaysmaa marka dabayl diiran oo qoyan ay ka dhacdo meel qabow daran ka jiro, taas oo keenta in qoyaankii dabayshu ay sidday uu ku dul fadhiisto waxyaabaha heerkulka dushoodu uu ka hooseeyo barta fadhiisiga.
feedh [m.dh] (-dho, m.l)
(daaw.) Mid ka mid ah lafaha dhuudhuuban oo xoodan, kuwaas oo sameeya qafis daboola ilaaliyana wadnaha iyo sambabada. Feedhuhu waxay u samaysanyihiin lammaane ku xidhan taxanaha lafdhabarta xammaaratada, shimbiraha iyo naasleyda) ilaa iyo kalxanta oo xagga hore ah.
fud-barafeed [m.l]
(fiis.) Cadad biyo fadhiista ah oo ku samaysma dhulka dushiisa, marka heerkulka hawadu uu hoos u dhaco ilaa iyo ka hoos.
habdhis-limfeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.nafl.) Dhuumo shaqadoodu isku xidhantahay, kuwaas oo ka soo qaada hooraha nudaha una gudbiya qulqulka dhiigga.
iskuroor dhuun neefeed [m.l]
(daaw.) Iskuroorka muruqyada dhuumaha neefta ee xiiqda (neefta) iyo dhuun neef holaca (bronkiitada).
kulanno-cidhifeed [m.l]
(xis.) Bar ku taalla sallax loona muujin karo kulanno ahaan (r, theta)), taas oo theta ay tahay xagasha u dhexeysa dhidibka togan ee x iyo fallaadha ka bilaabanta unugga kuna dhammaata barta, r - na waa dhererka fallaadha.
marwaxad neefeed [m.dh] (-dyo ..., m.dh)
(tegno.) Neef ka timid cadaadis motoor oo loo adeegsado motoor wax wareejiya.