fekerid
(m.f.dh)eeg feker². ld fakarid, fikirid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fekerid ↴
taan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
Ku t.: wax la jecelyahay ku fekerid.
fiiri [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1.(f.g) Wax eegid. 2. (f.g) Wax ka fekerid. 3. (f.mg) Isu f.: waxyaabo isbarbardhigid. 4. (f.mg) Ka f.: wax, wax kale ka ilaalin. 5. (f.mg) Ka f.: cid wax ka sixid. 6. (f.mg) Ku f.: wax, wax kale ku tijaabin. 7. (f.mg) U f.: cid wax u raadin.
fiirso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Wax meel ka dayasho. 2. U f.: wax si fiican uga fekerid.
fikirid [m.dh]
ld fekerid.
hammi [Fal Magudbe1/2 | Verb Intransitive1/2] (-iyay, -iday/isay; -iyi)
1. Murugo iyo walaac la kulmid. 2. Ku h.: wax had iyo jeer ku fekerid.
hawaawi [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
Wax si aad ah ugu fekerid.
mihindisoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Ku m.: arrin aan dhaqan gelin ku fekerid.
tallan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-amay, -antay; -ami)
Ka t.: wax samayntooda ku fekerid.
feker [m.l]
(afkaar, m.dh) 1. Garasho. 2. Wax qofka maskaxdiisa ku soo dhaca oo uu iskula hadlo. ld fakar¹, fikir¹.
feker [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Fikrad raadin. 2. Wax maan ku hayn. ld fakar², fikir².