Site icon Qaamuus

jawaabta

fiirsasho
(m.f.dh)

eeg fiirso. ld fiirsad, fiirsi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fiirsasho

caaddifi [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-fiin, m.dh)
1. C. ah: qof si fudud iyo ka fiirsasho la'aan wax ku xalliya. 2. Dabci dadka qaarkii yeesho oo ah fudayd iyo ka fiirsi la'aan wax lagu xalliyo.

duulduul [m.l]
1. Fudayd iyo wax ka fiirsasho la'aan cidi ku sifoowdo. 2. ld duulduulid.

duulduul [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-uulay, -uushay)
Fudayd iyo wax ka fiirsasho la'aan ku kicid.

fiirsad [m.l]
ld fiirsasho.

fiirsi [m.l]
ld fiirsasho.

fudayd [m.l]
1. Culaysyaraanta wax leeyihiin. 2. Dabci wax ka fiirsasho la'aaneed oo qof ku sifoobo. 3. ld fududaan. Firfircooni.

miidaanday [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-yay, -yday)
U m.: fal samayntii aad uga fiirsasho.

tijaabogal [m.l]
Waxay ku qotantaa ama ku abbaaran tahay fiirsasho iyo tijaabo aan ahayn aragti.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version