Site icon Qaamuus

jawaabta

firin
(m.l) (-nno, m.dh)

Qori yar oo dhuuban oo ilig ama ka badan leh, badi ahaanna xardhan oo timaha lagu feero. ld fire.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh firin

yoofil [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Timo aan la firin ee si xun ku dheeraada; yoos; baabbul; hoolif.

farandulle [m.l]
Orod labada gacmood iyo labada addin dadku ku ordo. ld firindiglo.

farandullee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
Lugo iyo gacmo wada jira ku ordid (dad). ld firindiglee.

farandulleyn [m.f.dh]
eeg farandullee. ld farandulleys, firindigleyn, firinndigleys.

fire [m.l]
ld firin.

firimbi [m.l] (-iyo, m.dh)
Aalad yar oo bir ama caag ah oo leh laba dalool oo marka la afuufo sii daysa foori dheer. ld firinbi.

firinbi [m.l]
ld firimbi.

firindiglee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
ld farandullee.

firindigleyn [m.dh]
ld farandulleyn.

fir [m.l]
Cagaarka ka soo baxa meel laga guuray; fuf.

fir [m.l]
1. Taxanaha abtirsiimada ee laga soo askumay. 2. Cagaarka ugu horreeya ee geedaha ka soo baxa. ld firfir¹.

fir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Timo, caw iwm feerid. 2. Geedo cagaar yar bixin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version