Site icon Qaamuus

jawaabta

firir
(m.l)

1. Cadad ama dhibco yaryar oo ka soo faniinay wax is haystay ama qarxay. 2. ld firdhid.

firir
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1)

(firdhay/firiray, firirtay; -rdhi/-riri) F./kala f.: wax wada jirey kala yaacid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh firir

xaabso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax firirsan oo meel wada yaal mar wada qaadasho.

yaacsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Dad, duunyo ama qalab wax kala firirsan ahaansho.

ururso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax kala firirsan meel isugu keensasho. ld aruurso.

aruur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax kala firirsan meel isugu tegid. ld urur³, uruur.

aruuri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax kala firirsan meel isugu geyn. 2. Ku a.: wax, wax kale ee ugu geli karo ku libdhin. ld ururi, uruuri.

aruursan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax kala firirsanaa oo meel isugu yimid ahaansho. 2. Ku a.: wax, wax kale ee uu geli karo ku libirsan ahaansho. ld urursan.

beelayso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1. (f.g) Qolo kale xoog ku qabsasho oo beel ka dhigasho; gumaysasho. 2. (f.mg) Dad kala firirsanaa si ay isu kaashadaan meel wada degsasho.

biliq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-lqay, -liqday; -lqi)
Wax, wax si aan habeysnayn meel ugu firirsan ka dhigid.

firdhi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Kala tuurtuurid; kala yaacin. ld firiri.

firdhid [m.f.dh]
eeg firir². ld firir¹, firirid.

fir [m.l]
Cagaarka ka soo baxa meel laga guuray; fuf.

fir [m.l]
1. Taxanaha abtirsiimada ee laga soo askumay. 2. Cagaarka ugu horreeya ee geedaha ka soo baxa. ld firfir¹.

fir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Timo, caw iwm feerid. 2. Geedo cagaar yar bixin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version