gaaban
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-bnaa, -bnayd)Wax aan joog dheer lahayn ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gaaban ↴
a [m.dh]
(a') Xarafka koowaad ee xuruufta af soomaaliga, ahna shaqal gaaban.
gaab [m.l]
Qof ama wax dheererkiisu gaabanyahay.
gaabi [m.dh]
Qiyaas dheerer oo intii laga rabay
ka gaaban.
gaabnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg gaaban. ld gaabnaansho, gaabni. gaaban, gaabnaansho, gaabni
gaabso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-saday, -satay)
1. (f.g) Wax dheer, wax gaaban ka dhigasho. 2. (f.mg) Codka gaabso: cod hoos u dhigid. 3. (f.mg) Ka gaabso: wax ka tanaasulid.
gaad [m.dh]
1. Geedsaar leh miro macaan oo la
cuno oo goroyaduna aad u jeceshahay, isla
markaasna looga dhigto kabdhoodka (goonnibaarka) ciyaarta shacdurka. 2. Ul gaaban oo xooggan.
baabbacee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-ceeyay, -caysay)
Orod gaaban oo laba addin ee hore iyo kuwa
dambe midba mar la qaadayo sameyn (neef
geel).
baabbaco [m.dh]
1. (-ooyin, m.l) Calaacal, sacab.
2. ld baabbacayn. Orod gaaban oo geelu
labada addin ee hore iyo kuwa dambe midba
mar qaado. baabbacayn, calaacal, sacab
raabiya [m.dh]
(daaw.) Cudur muddo gaaban
oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa
maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga
kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya
qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu
waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri
ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir
xanuun, qandho, dhibaato neefsashada,
dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo
muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu
keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga
biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo.
Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri
dhexdood.
gaab [m.l]
Qof ama wax dheererkiisu gaabanyahay.