gale
(m.l) (-layaal, m.l/dh)1. Cudur ku dhaca xubnaha taranka ee dadka, oo keena dhabar xanuun iyo dhalmo la'aan; jabto. 2. Dabayl xoog leh. 3. Gebi tog.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gale ↴
uskag-galeen [m.l]
Jir dad meesha wasakh qabatinka leh.
uur [m.l]
1. Inta u dhaxaysa bogga miskaha iyo laba kelliyood waxa ku jira: beerka, caloosha, xiidmaha iwm. 2. Ilma galeenka cunuggu ku jira kolka uu dusha ka muuqdo oo calool weyn u ekaado. 3. Laabta.
abeesalugaley [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Berribiyood afar addin, dabo dheer iyo harag leh oo yaxaaska u eg, kana jurmi yar; masalugaley; riyanuug.
biyaggaleen [m.l] (-nno, m.dh)
Meel godan oo biyo qabatin leh.
bocoolaggale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Nafley yar, biyo ku nool oo bocoosha gasha.
burobahalaad [m.dh] (-dyo, m.l)
(daaw.) Buro dhex galeysa oo baabi'inaysa soohyada ama xubinta ay ka farcanto islamarkaasna ku faafi karta meelo kale oo jirka ka mid ah, ayadoo cadcad ka mid ah raacayaan dhiigga ama liinfada. Haddii aan la daweyn wakhti ku habboon waxay keentaa caafimaadka oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xummaada iyo dhimasho. ld burabbahalaad.
caanaggaleen [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Xididdada caanuhu maraan ee candhada xoolaha.
cadwoob [m.l]
(baay.) Jidh huruud ah oo ku dhex samaysma moqorka Goonka garaaf ee ilma galeenka naasleyda marka ay ukunta sii daayaan kaddib. Waxay dhiiqdaa hormoonka borojestaroon.
cangaleel [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Nooc aleelada yaryar ka mid ah.
ciidaggale [m.l]
Halaq yar, aan halis ahayn, midabka ciidda leh oo ciidda ku dhex nool. ld ciiddaggale.