Site icon Qaamuus

jawaabta

galli
(m.l)

Dhagax adag oo aan si sahal ah loo jebin karin oo ceelasha salkooda ku jira.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh galli

galliimid [m.dh]
ld gelliimid.

galliin [m.l]
ld gelliin¹.

galliin [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-nay, -ntay)
U g.: Laba dhinac oo dhibaato dhextaalay heshiisiin; ergayn. ld gelliin².

gallimid [m.dh]
ld gellimid.

gelliimid [m.f.dh]
eeg gelliin². ld galliimi.

gelliin [m.l]
1. Gelid. 2. Heshiisiinta laba dhinac oo dhibaato dhex taal. ld galliin.

gelliin [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-iimay, -iintay; -iimi)
U g.: Laba dhinac ee dhibaato dhex taal heshiisiin. ld galliin.

gal [m.l] (-lal, m.l)
1. Meel godan oo biyo ku jiraan. 2. Warqad adag oo xaashiya lagu kaydiyo; fayl.

gal [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-lal, m.l)
1. Nuur dayaxa isku wareejiya. 2. Buqshad. 3. Shay wax lagu xafido (sida seef, billaawe iwm).

gal [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1]
(galay, gashay; geli) 1. (f.g) Wax dhexdi ama gudihii gaarid. 2. (f.g) Arrin, hawl iwm wax ka qabasho. 3. (f.mg) Ka g.:god muhiim ah qof uga hor marid (shax). 4. (f.mg) U g.: shisheey isu dhiibid. 5. (f.mg) U g.: cid maqan howl u qabasho. 6. (f.mg) U g.: cid meel ugu gabbasho. 7. (f.mg) Ku g.: Wax laga quustay heliddooda noqosho (baadi).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version