Site icon Qaamuus

jawaabta

galmoo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-ooday, -ootay)

U g.: nin, naag u tegid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh galmoo

saaro [f.g/lg3] (-rtay, -ratay)
1. Nin naag u galmoosho. 2. Wan lax kudud. 3. Wax, wax kale dul dhigasho.

barjee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-jeeyay, -jaysay)
1. (f.g) Galmoo. 2. (f.mg) Meel goglan oo barkimooyin lagu tiirsado leh jaad ku cunid.

biyabbax [m.l]
Imaatinka minada labka iyo dheddiga marka ay isu galmoodaan. ld biyabbixid.

biyabbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
Lab iyo dheddig isu galmooday mino ka imaansho.

biyo [m.l.w]
1. Hoore aan lahayn midab, dhadhan iyo ur oo ka sameysan haydaroojiin iyo oksijiin oo lama huraan u ah nolosha. 2. Hoore ka yimaadda lab iyo dhigdhig nafley marka ay isu galmoodaan ee uu ubadku ka abuurmo.

ciniin [m.l] (-nno, m.dh)
Nin aan dumarka u galmoon karin, u tegiddooda aan karti u lahayn. ld caniin¹, cinniin¹.

ciniin [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-nay, -ntay)
Nin aan dumarka u galmoon karin noqosho. ld caniin², cinniin².

dhalfee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -feysay)
Nin naag u galmoosho.

dhaw [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1]
(dhebay, dhebtay; dhebi) 1. Wax nabar ku dhufasho. 2. Nin, naag u galmood. 3. ld dhaaw².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version