garab
(m.l) (-rbo, m.dh)1. Lafta isu haysa karraysta, sararta iyo gacanta. 2. Baalka shimbiraha. 3. Kaalmo af iyo addin leh. 4. Daruura is haysta oo da'aysa.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh garab ↴
waa [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aayay, -aayday; -aayi)
1. Wax helid la'aan. 2. La w.: yool aad tooganaysay riddadii. Garab la marid.
baad [m.l]
1. Caws, caleen, xaab iwm oo ay xooluhu daaqaan; daaq. 2. (-dad, m.l) Mid ka mid ah labada garab ee haadda ama dayuurad; baal. baal
waaceenso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Cid wehel, garab iwm ka dhigasho. 2. Aanayso.
anjiina-bektores [m.l]
(daaw.) Xanuun naaska bidix hoostiisa oo ku fida garabka, gacanta bidix iyo surka. Badanaa wuxuu ka yimaadaa shaqo badan oo jirku sameeyo, nasashadana waa lagu nafisaa.
cadgoo [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-ooyay, -oysay)
U c.: qof cayroobay kaalmayn; qof wax aan filanayn siin; qof tartan ku jira garab siin.
cawaan [m.l]
(cawaan, m.dh) 1. Dad jaahil ah oo aan diin lahayn. 2. Qof, qof kale hiil iyo hooba la garab taagan.
cudud [m.dh] (-do, m.l)
1. Xubinta u dhexeysa garabka iyo xusulka. 2. Xoog; awood.
curdaalo [m.l]
Roobka jiilaalka dhammaadkiisa da'a; garabcas. ld cordaalo.
dangee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-geeyay, -geysay)
Cid hiillo u baahnayd oo garab la siin waayey ahaansho.
dangeysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Cid hiillo u baahnayd oo garab la siin waayey ahaansho.
gar [m.l] (-rar, m.l)
1. Timaha ka baxa dhabannada iyo daamanka ragga. 2. Halka ay isaga yimaadaan labada daan. 3. Garraarka haweenka guntintiisa. 4. Dhan, dhinac. 5. Xarig adag oo awrta lagu raro. 6. Wadnaha intiisa adag oo baruurta yeelata. ld ge.
gar [m.dh]
1. Dood loogu xaqsoorayo laba dhinac oo arrin isku haya. 2. Daw; xa.
gar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Caaradda ama afka astaan ama midab gaar ah uga yeeli.