garbo
(m.l)Xiddigaha dallaallida u horreeya oo u dhexeeya dirirka iyo bayaxawd.
garbo
(m.dh)Meel godan oo biyo ku jiraan oo qusur ah oo ay sameeyaan biyaha kor ka soo dhaca; galxiddigaal.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh garbo ↴
xadaf [m.l]
(nax.) Goyn shaqal ka mid ah erey. Tus. “garab + o -> garbo”.
bayaxaw [m.dh]
1. Xiddigta u dhexeysa garbo iyo gudban. 2. Meel bannaan oo aan dhir lahayn. 3. Qof ama xoolo falxad ah.
dirir [m.l]
1. Xiddig ifweyn oo naafaha ugu dambeeya oo u dhexeeya dirirday iyo garbo. 2. ld dirirsagaaro. D. cawleed: gu'ga bartamihiisa.
gambar [m.l] (-rro, m.dh)
Shey ka samaysan afar lugood oo gaaban iyo maqaar isku haya, garbo lahayn oo lagu fadhiisto. ld gember, wamba.
garbaggarbow [m.l]
ld garba.
gar [m.l] (-rar, m.l)
1. Timaha ka baxa dhabannada iyo daamanka ragga. 2. Halka ay isaga yimaadaan labada daan. 3. Garraarka haweenka guntintiisa. 4. Dhan, dhinac. 5. Xarig adag oo awrta lagu raro. 6. Wadnaha intiisa adag oo baruurta yeelata. ld ge.
gar [m.dh]
1. Dood loogu xaqsoorayo laba dhinac oo arrin isku haya. 2. Daw; xa.
gar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Caaradda ama afka astaan ama midab gaar ah uga yeeli.