garoor
(m.l)1. Caano lo'aad ama ari fadhi ah oo aan subag laga saarin. 2. Cii.
garoor
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)Fadhi aan subag laga saarin noqosho (caano lo'aad ama ari.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh garoor ↴
qaab [m.l] (-bab, m.l)
1. Hannaanka wax leeyahay. 2. Hab. 3. Caano garoor ah.
4. Caano yar oo garoor ah oo caanaha
dhayda ah lagu daro si ay durba garoor u noqdaan; salsal; khamiir. hab
qaabis [m.l]
1. Garoorinta la garooriyo caano la
doonayo in la lulo. 2. Q. ah: caana garoor
ah.
eedaq [m.l]
Caano garoor ah.
fadhi [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Qaabka iyo xaalada qof salka dhulka ku haya. 2.(-iyo, m.dh) Rug la degganyahay. Tus. “Fadhigeygu waa Afgooye”. 3. Lo' tiradeedu boqol gaartay. 4. Shir muhim ah. Tus. “Fadhigii shalay la galay go'aan wax-ku-ool ah ayaa ka soo baxay”. 5. Caano f. ah: caano garoor ah; eedaq. 6. Qolka f.ga: qol loogu taloggalay in la fadhiisto. 7. ld fadhiyid.
fariisi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax salka dhul u dhigid. 2. Cid fadhi ku soo dhaweyn. 3. Ka f.: cid shaqo ka joojin. 4. Caano iwm garoorin. ld fadhiisi.
fariiso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1. (f.g) Salka meel saarid. 2. (f.mg) Dareere garoorid. 3. (f.mg) Ka f.: wax ka joogsasho. ld fadhiiso.
farmaajo [m.dh]
Cunto laga sameeyo caano la garooriyey lana qallajiyay.
garoori [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Garoor ka dhigi.
garo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Riy.
garo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Wax fahmid. 2. Wax aqoonsash.