gebi
(m.l) (-iyo, m.dh)1. Qar; jar; daan. 2. Meel qar hoostiis ah oo roobka, qorraxda, dhaxanta iwm laga galo. 3. G. ahaan: giddi; gebigood; giddigoo.
gebi
(m.dh)Fool; mada.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gebi ↴
cadaadis-beege [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
(fiis.) Qalabka loo isticmaalo in lagu cabbiro cadaadiska gibilka. Qaabkiisa ugu sahlan waxa loo yaqaan cadaadis beegaha meerkari; meerkaridaas oo ku jirta dhululubo qarsho ah oo xiran oo lagu gembiyay meerkari kale oo weel ku jirta; meerkaridaas ku jirta dhululubada waxay ismiisamayaan culayska gibilka, dherekeeduna wuxuu ku siinayaa cabbirka culayska cadaadiska gibilka. Heerka meerkarida ee dhululubada ku jirta wuxuu tusinayaa celceliska cadaadiska gebilka ee bad la simanta.
dayaan [m.l] (fiis.)
Noqodka hir jabaq ee dul (gebi ama buur) xoogaa innaga fog ay soo celisay, oo ka laciifsan jabaqdii asalka ahayd. Faraqa waqtiga ee ayoonka iyo jabaqda asalka ah, waxa ay muujisaa fogaanta gebiga ama buurta iwm.
gabid [m.f.dh]
eeg gab. ld gabniin, gebid.
gabiib [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
Dhul carro san ah oo aan qaniin lahayn. ld gebiib.
gale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Cudur ku dhaca xubnaha taranka ee dadka, oo keena dhabar xanuun iyo dhalmo la'aan; jabto. 2. Dabayl xoog leh. 3. Gebi tog.
garraw [m.l]
1. Nooc cawska xooluhu daaqaan ka mid ah. 2. Gebi leh cusbo xooluhu ka leefaan. ld garro.
gebid [m.dh]
ld gabi.
gebidhac [m.l]
1. Dalambaabiyidda wax socda sabbaynaya sameeyaan. 2. Wax dhulka hoostiisa u sooda oo hadba gebi ku sii dhac.