geedgaab
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)Dhirta inteeda in yar dhulka ka kacsan ee aan hoos dadku harsan karo lahay.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh geedgaab ↴
qaansoole [m.l]
(bot.) Nooc geedgaabka ka mid ah oo baxsha laamo kor u baxa oo soo qalloocda, qaabka qaansada yeesha, kana baxa cadduunka.
cadduun [m.l]
Dhul ciiddiisu jilicsantahay, aan boor lahayn oo geedgaab ka baxa.
cadduuro [m.dh]
1. Geedgaab leh caleen iyo miro yaryar oo ka baxa meelaha biyo mareenka ahi. 2. Midab cagaar khaafiif ah leh.
dabakar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Geedgaab leh laamo dhuudhuuban, tootoosan oo la laga dhigto. 2. Cad maro ah.
geedgool [m.l] (-llo, m.dh)
Geed weyn oo ku yaal meel geedgaab keliya le.
gulaan [m.l]
1. Geedgaab caleemo dhanaan, daranta la bah ah, oo geelu daaqo. 2. Neef ama qof hagaas noqday oo korriimadii ka xumaatay.
jadeer [m.l]
1. (bot.) Nooc ka mid ah geedgaabka oo laamo dhuudhuuban iyo caleemo balballaaran leh oo aan qodax lahayn. 2. Socod dheer.
jaleelo [m.dh]
(bot.) Geedgaab aan qodax lahayn oo caleentiisa daawo ahaan loo isticmaalo.
jeerin [m.l]
(bot.) Geedgaab qodax qaroofan, miro kuwa mooska u eg leh oo iniinahooda la cuno, xabag macaanna leh.