giigsanaan
(m.f.dh)eeg giigsan. ld giigsanaansho, giijisanaan, giijisanaan- sh.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh giigsanaan ↴
debci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax giigsan sida xarig iwm. giigsanaanta ka bi'in. ld dabci².
debec [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bcay, -becday; -bci)
1. Xarig, guntin iwm wax giigsanaantii ka ba'day noqosho. 2. U d.: wax u dhega nuglaan. ld dabac², debac².
debecsan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Xarig, guntin iwm oo giigsanaan wax debcay noqosho. ld dabacsan¹, debacsan¹.
giigsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld giigsanaa.
sanduuqa codka [m.l] (-qyo ..., m.dh)
(baay.) Lammaane xuub liilsami kara ah oo ka soo taagan qulaanqushaha lafdhabarleyda qaarkeed. Codka waxa la soo saaraa marka hawada maraysa qulaanqushaha ay dhaqdhaqaaqijso sanduuqa codka. Dha-waaqa codka la soo saaraa waxa uu ku xidhan yahay giigsanaanta sanduuqa codka, kaasi oo ay xukumaan muruqyada iyo carjawda qulaanqushuhu.