Site icon Qaamuus

jawaabta

godli
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

ld godol.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh godli

cubcub [m.l]
1. Maqaar dhal xoolaad, dhisan caws ka buuxo, leh qaabkii ilmaha dhintay oo neefkii dhalay lagu godliyo; joojooge. 2. Wax muuq dad leh oo beeraha la dhex dhigo si ay shimbiraha, dugaagga iwm uga cararaan. 3. Derin cusub oo aan weli la kala jeexin. 4. ld cubcubid. ld cucub¹.

gandaal [m.l]
Harag laga bixiyo weylaha dhinta oo inta si gaar ah loo dhiso lagu godliyo sacii dhala.

godlid [m.f.dh]
eeg godol². ld godlin, godol.

godlin [m.dh]
ld godli.

godol [m.l]
1. Caano hal mar candho irmaan ku soo dhaca. 2. ld godli.

godol [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-dlay, -doshay; -dli)
Neef irmaan si loo maalo candhada ka salaaxid. ld godli.

haragmaqaar [m.l] (-rro, m.dh)
Harag si gaar ah loo tolay oo nafleyda irmaan oo ay ilmuhu ka dhinteen lagu godliyo; gandool.

helli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Neef irmaan canug uu dhalay si uu u godliyo ku sii dayn.

god [m.l]
1. (-dad, m.l) Dalool dheer oo hulan oo dhulka ka samysma ama laga sameeyey. 2. Siddeed iyo tobanka hogood ee dayaxa midkoo.

god [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Wax qalloocin. 2. Wax deri u yeeli.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version