godo
(m.dh)1. Meel ay doqowda talada gooysaa ku shiraan. 2. Godad yaryar oo shinnidu samayso oo ay malabka iyo ugaxda ay ku hoyiso. 3. Daliig yar oo daruur a.
godo
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-otay, -odatay)1. (f.g) Wax qalloocasho. 2. (f.mg) Qalloocsamid. Tus. “Cali lixdan sano markuu gaaray ayuu gotay.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh godo ↴
gaaggax [m.l]
1. Marka neef godlani wax gansado (qoonsado) oo caanuhu ku cararaan; godolnaqsi. 2. ld gaaggixid. gaaggixid
tabo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-btay, -batay)
1. Wax la filanayay oo la waayey dib u gocasho. 2. Dhacdo godob ka tirsasho.
aanaysi [m.l]
1. Godob u raadsi. 2. Xigtaysi. ld aanaysasho.
aanayso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Godob u raadsasho. 2. Qaraabannimo ama saaxibnimo awgeed cid u xigsasho (qof).
aano [m.dh]
Dhibaato hore oo ciddii loo geystay aanay illaawin; godob; utun; dakano.
afweyn-holac [m.l]
(daaw.) Halaamacood lafta afweynta ee ka muuqata dhegta dabadeeda oo saameeya gododka laftaas (air space)la xiriiriya godka dhegta dhexe.
asaaye [m.l]
Ciqaab ka dhasha waxyeello horey la isu gaarsiiyey; godob. ld asaayo.
cadgooso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Ka c.: cid godob ka gashay ka aarsasho.
cag-qoolaaban [m.dh]
(daaw.) Qaabdarro cageed oo lagu dhasho saameyn kartana hal cag ama labada cagoodba taasoo qofka qaba uusan cagta cad wada dhig karin dhulka. Nooca ugu badan (Talipes Equinovaris) lugtu waxay u godontahay hoos waxayna u qalloocantahay gudaha sidaas darteed qofka qaba wuxuu u socdaa girgirka dibadda xiga ee dusha cagta.
dakanaduug [m.l]
Baabi'inta la baabi'iyo godob dad u dhexeysey. ld dakanaduugid.