Site icon Qaamuus

jawaabta

godob
(m.l) (-bo, m.l/dh)

Meel weyn oo godan oo dhinacyada ay ka xigaan duullayaal iyo taagag oo caws iyo geeda faalala ay ka baxaan oo jiilaalka la daaq.

godob
(m.dh)

Xadgudub qof lagu sameeyo oo aan laga xaalmarin oo reeba utun iyo qaa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh godob

tabo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-btay, -batay)
1. Wax la filanayay oo la waayey dib u gocasho. 2. Dhacdo godob ka tirsasho.

aanaysi [m.l]
1. Godob u raadsi. 2. Xigtaysi. ld aanaysasho.

aanayso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Godob u raadsasho. 2. Qaraabannimo ama saaxibnimo awgeed cid u xigsasho (qof).

aano [m.dh]
Dhibaato hore oo ciddii loo geystay aanay illaawin; godob; utun; dakano.

asaaye [m.l]
Ciqaab ka dhasha waxyeello horey la isu gaarsiiyey; godob. ld asaayo.

cadgooso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Ka c.: cid godob ka gashay ka aarsasho.

dakanaduug [m.l]
Baabi'inta la baabi'iyo godob dad u dhexeysey. ld dakanaduugid.

godobreed [m.l]
ld godobti.

god [m.l]
1. (-dad, m.l) Dalool dheer oo hulan oo dhulka ka samysma ama laga sameeyey. 2. Siddeed iyo tobanka hogood ee dayaxa midkoo.

god [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Wax qalloocin. 2. Wax deri u yeeli.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version