Site icon Qaamuus

jawaabta

gol
(m.dh) (-lo, m.l)

1. Nafleyda labadeeda dhinac oo jilicsan. 2. Dhul geedo badan oo qaniin leh oo xoolaha daaqaa ku jirradaan. 3. Daaddegga buuraha. 4. Cudur xoolaha ku dhaca oo ay ka qaadaan gendiga. 5. Foorad. 6. Maryaha dumarka oo la maraarsado laabkooda hore oo caloosha ku abbaaran; nabas. 7. G. lahaan: ujeeddo; dan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gol

haad [m.dh] (-dad, m.l)
Baylah, goldaloolo.

oggol [m.l]
1. O. ah: cid aan wax diiddanayn. 2. Neef irmaan oo ubad waliba nuugo; hebed.

oggol [Fal Gudbe4 | Verb Transitive4] (-laa, -layd)
1. Wax aan wax diiddanayn ahaansho. 2. Wax, wax kale ka hela ahaansho.

oggolaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg oggol². ld oggolaansho. oggol, oggolaansho

oggolaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
eeg oggolow. ld oggolaan. oggolaan, oggolow

oggolaysii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
1. Cid wax ku qancin. 2. Nafley in ay wax oggolaato ku khasbid.

oggolaysiin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg oggolaysii. oggolaysii

oggolow [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-laaday, -laatay)
Wax, wax oggolaaday noqosho.

haadi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Badar la tumay buunshe ka saarid. 2. Haad cayrin. 3. Diyaarad kicin. 4. Gacan h.: gacan ruxid oo salaan ama baaq looga golleyahay. ld haati. haati

daaddeg [m.l] (-gyo, m.dh)
Meel taag ah gollaheeda.

g [m.dh]
(ga') Xarafka toddobaad ee xuruufta afka soomaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version