Site icon Qaamuus

jawaabta

goodir
(m.l)

1. Ugaar weyn oo leh geeso dhaadheer oo marooqsan iyo diillimo dhinacyada kaga yaal. 2. G.ah: midab madow-xigeen ah oo geelu yeesho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh goodir

gaadeeryo [m.dh]
1. Dheddigga goodirka. 2. Nooc ka mid ah deerada buuraha ku nool. 3. Nooc carmada ka mid ah.

diirdiir [m.l] (-rro, m.dh)
Jaad ugaarta ka mid ah oo diillimo leh; goodir.

goodircad [m.l]
Midab geel oo ah madow caddaan ku badan yahay.

goodirmadow [m.l]
Midab geel oo ah caddaan madow ku badanyahay.

good [m.l] (-dad, m.l)
1. Halaq midab guduud-xigeen iyo sun halis ah leh oo madaxa ka madow. 2. Nin ku caanbaxay ciyaar gaar ah.

good [m.l] (-dad, m.l)
Maro; dhar; go'.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version