Site icon Qaamuus

jawaabta

gooso
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-stay, -satay)

1. (f.g) Wax, wax ka jarasho. 2. (f.g) Wax mutansasho. Tus. “Cali abaalmarintii la siiyey waa goostay”. 3. (f.g) Arrin fulinteed go'aansasho. Tus. “Caasha waxay goosatay in ay guursato.” 4. (f.mg) Cid baxsasho. Tus. “Cali waa goostay.”

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gooso

aargooso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Ka aa.: cid, cid kale oo waxyeelo u geystay ka gudasho.

cadgooso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Ka c.: cid godob ka gashay ka aarsasho.

fiidgooso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Fiid hawl qabasho.

geedaggooso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Sixir ama faal wax dheefsi awgeed u samayn. 2. U g.: xoolo, laamo caleen leh u jarash.

googgooso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1. (f.g) Wax qaybo u jarjarasho. 2. (f.mg) Cid hadal la qeybsasho.

goosasho [m.f.dh]
eeg gooso. ld goosad (2), goosi.

sargooso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Ku s.: wax, wax kale ku jimaysasho.

xargagooso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Wayraxid.

goo [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-ooyay, -oysay)
1. (f.g) Wax jarid. 2. (f.g) Xaajo go'aan ka gaarid. 3. (f.g) Qaraabo saaxiib iwm xiriir u jarid. 4. (f.mg) Ka g.: tiro mid kale ka jarid (xisaab). 5. (f.mg) Ka g.: ilmo nuugmo ka joojin. 6. (f.mg) Ka g.: wax, wax kale ka leexin. 7. (f.mg) Ka g.: cid dambi ay gashay kajeebid. 8. (f.mg) Ku g.: meel wax ku xannibid. 9. (f.mg) Ku g.: hadal iwm xad gaar ah kujoojin. 10. (f.mg) La g.: wax ka baxsasho. 11. (f.mg) U g.: cida ballan kaga bixid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version