goray
(m.l) (-yo, m.dh)1.Gorayo lab. 2. G. ah: awr aan gulgulada soo ridi karin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh goray ↴
ibagorayee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-yeeyay, -yeysay)
Hal irmaan si aan wanaagsanayn naasaha uga
marid.
ibagorayeyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ibagorayee.x ibagorayee
ibagorayeysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax la ibagorayeeyey ahaansho (hal irmaan).
ibagorayeysnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ibagorayeysan. ld ibagorayeysnaansho. ibagorayeysnaansho
ibagorayeysnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld ibagorayeys-naan. ibagorayeys-naan
ibagorayo [m.dh]
Maridda hal irmaan si candhada ka bararisa loo maro.
gaaf [m.l] (-faf, m.l)
1. Xaflad loo sameeyo labada is aroosay maalinta ay toddoba baxayaan. 2. Dhisme ku meelgaar ah. 3. Kaltan. 4. Dad shir u fadhiya looga arrinsanayo xaajo waxku'ool ah. 5. Hareer. 6. Dibad. 7. Meesha gorayada ku dhasho. 8. Midab geelu yeesho oo madow xigeen ah.
baalgorayo [m.dh]
Marka meseggada ama gallaydu sabuul yeelan rabto.
baasho [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-shtay, -shatay)
Baal goray iwm iyadoo libin lagu muujinayo madaxsurasho. 2. Gammuun, baal ku dhegsasho.
cabbuur [m.l]
Dhismo yar oo badanaa geedo iyo caws ka samaysan oo hargaantigu u galo gorayada, marka uu gaadayo.
gor [m.l]
Dambar horaadka neefka rimman candhadiisa ku soo dhaca inta uusan dhalin ka hor.