goyn
(m.f.dh)eeg goo. ld goys, goysmo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh goyn ↴
daab [m.l] (-bab, m.l)
Qori ama bir la qabsado oo ku rakiban qalab goynta, jebinta, qodidda
iwm loo adeegsado.
daab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado, qori ama bir la qabsado ku rakibid.
jaangoyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jaangoo. ld jaangooyo (2).
jaanguuri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax dabar goyn.
laangooyo [m.dh]
1. ld laangooyn. Goynta xilli abaar ah xoolo loo gooyo geedaha magoolay laamahooda. 2. Jaridda meel jiq ah laame laga jaro si loo maro. 3. Astaan lagu muujiyo jaho la aaday.
maalingaal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aalay, -aashay)
Hawl maalin dhan wadid iyada oo aan la kala goyn.
qaaddac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -dici)
1. Wax diidid. 2. Xiriir goyn. 3. Dhagax lagu huufayo dhagax kale ku dhufasho.
raawis [m.l]
Mindi iwm gabowday oo aan wax goyn karin. ld saawir.
saawir [m.dh] (-ro, m.l)
S. ah: mindi ama bir kale oo aan wax goyn oo af-beeshay.
tafiirgoyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg tafiirgoo.