Site icon Qaamuus

jawaabta

gu'
(m.l)

1. Afarta nur oo sanadu u qeybsanto midkood: wuxuu u dhexeeyaa diraacda (jiilaal) iyo xagaaga, waana xilli roob. 2. 12-bilood; sano.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gu'

cawlikudhashay [m.dh]
1. Xilli bartamaha guga ah oo roob badan da'o. 2. Roob badan oo xilliga gu'ga bartamihiisa da'a. ld cawlikudhal.

ceelkaggeeye [m.l]
1. Xilli gu'ah oo roob xoog badan leh da'a. 2. Roob xoog badan oo bartamaha guga da'a.

celcelis [m.l] (-syo, m.dh)
1. Xilliga dabayluhu is beddelaan gu'ga iyo dayrta oo aysan dhan u badan. 2. Isku darka labada lambar ama ka badan oo loo qaybiyo mid ka mid ah, tirada ka soo baxda.

dirir [m.l]
1. Xiddig ifweyn oo naafaha ugu dambeeya oo u dhexeeya dirirday iyo garbo. 2. ld dirirsagaaro. D. cawleed: gu'ga bartamihiisa.

fil [m.l]
1. Wadarta sano ee noole jiro. 2. Da', cimri. 3. La f.: isku da'ah; isku gu'yaal jira.

fushade [m.l]
1. Roob badan oo bartamaha guga da'a. 2. Xilli gu' bartankiis ah oo roob badani da'o.

gu' [m.l]
1. Afarta nur oo sanadu u qeybsanto midkood: wuxuu u dhexeeyaa diraacda (jiilaal) iyo xagaaga, waana xilli roob. 2. 12-bilood; sano.

gu'rin [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Neef dheddig oo gu'ga uurowday.

gusoore [m.l]
1. Bartamaha guga. 2. Bar-waaqo. ld gu'soore.

gu'soore [m.l]
ld gusoore.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version