gub
(m.l)eeg gumaar; dhaawac dab oo biskood.
gub
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)Dab ku dhejin, qabadsiin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gub ↴
caag [m.l] (-gag, m.l)
1. Adke loodsame ah, si fudud u gubta oo waxyaabo badan laga sameeyo. 2. (-gag, m.l) Wax kasta oo balaastiig ka sameysan. 3. Meel yara godanoo biyo qabatin leh.
haaraan [m.l]
1. Eedeynta cid wax ayna qabin oo ay ka gubanayso lagu eedeeyo. 2. Ceebayn cid loo jeediyo. ld haaraamid. haaraamid
kaadigubasho [m.dh]
(daaw.) Xanuun iyo kaadida oo lagu dhibtoodo, waxa badanaa keena holac kaadihays ama holac kaadimaren. ld kaadiqabad.
kaadishiil [m.l]
Cudur keenna kaadida oo qofka gubta.
kaalsiyam [m.dh]
(kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan, heerkul hoosana ku dhalaasha. Waa curiyaha saddexaad ee ururka II ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay ku badantahay jeesada ama dhagaxa didibka iyada oo ah CaCO3, jibsimka iyada oo ah CaSO4 2H2 O, jibsim ooman iyada oo ah CaSO4, faloorasbaar iyada oo ah CaF2 iyo abatayt iyada oo ah CaF2 Ca3 (PO4). Marka kaalsiyam lagu gubo meel hawo leh, waxa samaysma kaalsiyam ogsaydh (CaO) oo ah adke yooneed oo cad, waxase ka habboon in ogsaydhka laga diyaariyo kaarbooneytyada kaalsiyam kaas oo u kala baxa ilaa 800° C. Ogsaydhka iyo birta nafteeduba waxay sameeyaan haydarog-saydh (Ca(OH)2) marka ay la falgalaan biyaha.ù
maanganiis [m.l] (-yo, m.dh)
(kiim.) Summad Mn. Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka ee tusaha kalgalka, una jira dabiici ahaan ogsaydh ahaan sida bayroolusayt (MnO). Waxaana loo adeegsadaa sameynta birdhafyada istiilka iyadoo laysku darayo bayroolusayt iyo xadiid laguna gubayo marraaq-danabeed.
naar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Cid naar gelin (Eebbe). 2. Wax aad u gubid.
nabaal [m.l]
Isku dar kiimikaad oo laga sameeyo bombo wax gubta.
oomaar [m.l]
1. Kul badan. 2. Ur ka dhasha cunto gubatay biyo la'aan awgeed.
oomaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Kul badan ku gubasho. 2. Cunto dab saaran biya la'aan awgeed gubasho.
g [m.dh]
(ga') Xarafka toddobaad ee xuruufta
afka soomaliga, ahna shibbane.