gubasho
(m.f.dh)eeg gubo. ld gubad (3).
gubasho
(m.dh)(kiim.) Falgal kimikaad ee walaxi si dhakhso ah ula falgasho ogsijiin, maxsuulkuna noqdo kul iyo ileys. Falgallada noocaani, badanaaba waa silsiladda falgallada xidiidshaha xorta ah.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gubasho ↴
kaadigubasho [m.dh]
(daaw.) Xanuun iyo kaadida oo lagu dhibtoodo, waxa badanaa keena holac kaadihays ama holac kaadimaren. ld kaadiqabad.
oomaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Kul badan ku gubasho. 2. Cunto dab saaran biya la'aan awgeed gubasho.
bas [m.l]
1. Geeri caadi ah ee ku timaaddo qof tiisii gashay. 2. (-sas m.l) Baabbuur weyn oo dedan oo daaqada muraayado ah iyo kuraas leh oo rakaabka qaado. 3. Wax gubasho ku dhammaaday oo dambas noqday.
dareen-xanuun [m.l] (-eemo ..., m.l)
(daaw.) Xanuun aad u daran oo gubasho ah ama mudid ah oo badanaa raaca lareemayaasha.
dhiig-dhac [m.l]
(daaw.) Xaalad caadadiska dhiigga halbowlayaashau si aan caadi ahayn hoos ugu dhaco Waxay dhacdaa marka biyo badan ay jirka ka baxaan sida: shuban, gubasho, matag ama dhiigbax badan dhaco.
faraggubyoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Faraha ka gubasho.
gubad [m.l]
1. ld gubato. Dhul dab geedihii sare ka dhammeeyey. 2. Dab. 3. ld gubasho.
qiime tamar-gubasho [m.l]
(fiis.) Kulka ka soo baxa gubashada halkii halbeeg ee cufka walax. Qiimaha tamar gubashada waxaa loo isticmaalaa in lagu ogaado qiimaha tamarta shidaalka. Badanaa waxa lagu cabbiraa meega-juul halkii kiiloogaraam (mj/kq).