gudan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-dnaa, -dnayd)Wax la guday ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gudan ↴
xaaji [m.l] (xujay/-iyo, m.dh)
(diinta) Nin muslim ah oo waajibaadkii xajka gudanaya ama gutay.
dawaaf [m.l]
1. Wareegga kacbada lagu sameeyo iyadoo waajibka xajka la gudanayo. 2. Socod badan oo warwareeg ku jiro. 3. ld dawaafid.
dawaaf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
1. Iyadoo waajibka xajka la gudanayo, kacbada wareeg ku samayn. 2. Socod badan oo warwareeg ku jiro samayn.
dawaafi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof xajka gudanaya kacbada ku warwareejin. ld dawaafsii.
gudnaan [m.f.dh]
eeg gudan. ld gudnaansho.
macduur [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
(dii.) M. ah: qof waajib uu gudan lahaa ka baaqdo cudurdaar awgii; marmarsiinyo haysto.
gud [m.dh]
Geed-gaab laamo dhuudhuuban leh oo dhala miro macaan oo loo yaqaan yicib.
gud [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Cid buuryo ka goyn. 2. (f.g) Deyn bixin. 3. (f.mg) Habeen socosho. 4. (f.mg) Ku g.: haweenay daba gurid.