Site icon Qaamuus

jawaabta

gudboon
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

1. Wax habboon ahaansho. 2. Wax wax kale la siman ahaansho. Tus. “Marka la joogo ùgarasboorama Xamar iyo Kismaayo waa g.yihiin.”

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gudboon

yuf [m.l]
Ari, sagaaro iwm dhogor kicidda haleesha marka cabsi la soo gudboonaato.

gudboonaan [m.f.dh]
eeg gudboon. ld gudboonaansho.

gudboonaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld gudboonaan.

isu'eg [m.l] (-gyo, m.dh)
(xis.) Laba ama dhowr shaxan oo u kala duwan iskeel ahaan, hase yeeshee qaab ahaan aan u kala duwaneyn. Laba shaxan joometeri waa ay isu egyihiin haddii midkood uu yahay kan kale oo la weyneeyay. Geesooleyaasha isu'eg waxa ay leeyihiin xaglo gudboon oo isle'eg iyo dhinacyo isku aaddan oo saamiggal isu ah.

laballaabow [m.l]
Kala doorashawaayidda qof laba arrimood oo gudboon kala dooran waayo. ld laballaaboobid.

laballaabow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Qof laba arrimood oo gudboon kala dooran waayid.

laballabee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-beeyay, -beysay)
Laba arrin oo gudboon kala dooran waayid.

laballabo [m.dh.fk]
1. Wax laballabo isugu lammaan. 2. Laba arrimood oo gudboon oo la kala dooran waayo.

magacdarro [m.dh]
Sumcad xumo qof la soo gudboonaato. ld magacdarri.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version