Site icon Qaamuus

jawaabta

gudub
(m.l)

1. Hab cayaarta waalada loo dheelo oo laba qof si isweydaar ah gacmaha isu dhaafsadaan. 2. Babac. 3. ld gudbid.

gudub
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-dbay, -dubtay; -dbi)

1. (f.g) Wax dhaafid. 2. (f.mg) Ku g.: wax dhexdooda wax kale ku goyn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gudub

tacaddi [Fal Magudbe1/2 | Verb Intransitive1/2] (-iyay, -iday/isay; -iyi)
Ku t.: xad gudub samayn. ld dacati².

xadgudub [m.l]
ld xadgudbid.

xadgudub [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-dbay, -dubtay; -dbi)
Ku x.: cid wax aan ku habboonayn ku samayn.

xambaaraggudub [m.l]
Tabaha legdanka nooc ka mid ah oo labada qof oo legdamaya midkood kan kale kor u qaado oo dhulka ku dhufto.

babcan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax gudub ama babbac loo dhigay ahaansho.

bacleel [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-eelay, -eeshay)
Si gudub ah wax u eegid.

dadab [m.l] (-byo, m.dh)
1. ld dedeb. Si wax loo dhigo oo in yar ka leexsan jahadiisii hore, gudub. babac. 2. Si goynaysa jahada toosan ee ay wax u yaallaan. 3. D. ah: ilmo aan weli la gardaadin. 4. ld dadbid.

dadabxambaar [m.l]
Si gudub ah oo ilmo aan la gardaadin loo xambaaro. ld dadabhambaar.

dadabxambaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Ilmo aan la gardaadin si gudub ah u xambaarid.

dadabxambaarso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Ilmo aan la gardaadin si gudub ah u xambaarasho. ld dadabxambaaro.

gud [m.dh]
Geed-gaab laamo dhuudhuuban leh oo dhala miro macaan oo loo yaqaan yicib.

gud [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Cid buuryo ka goyn. 2. (f.g) Deyn bixin. 3. (f.mg) Habeen socosho. 4. (f.mg) Ku g.: haweenay daba gurid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version