gufaaco
(m.dh) (-ooyin, m.l)1. Roob dabayl soo harbinayso. 2. Hirar waaweyn oo dabayli ku dheehantahay oo badda kacsani soo daacdo.
gufaaco
(m.dh)(juqr.) Gobol cadaadis gibilkiisu hooseeyo, oo kala ah laba nooc. Nooc wuxuu gaar u yahay loolalka cimiladoodu ay tahay meel dhexaadka; nooca kalena waxaa loo yaqaanaa gufaacada kulaaleyda. Labada nooc waa isu egyihiin, sababtoo ah labaduba waxay uga dhac aan galoob-badhka woqooyi si lid saacad wareeg ah, galoob-badhka koonfureedna si saacad wareg ah.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gufaaco ↴
cadaadis-yar [m.l] (-yo ..., m.dh)
(juqr.) Gobol cadaadis gibilkiisu hooseeyo marka loo eego meelaha ku wareeraysan, mararka qaarkood waxaa loo yaqaan gufaaco.
gufaacoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Dixiri sanqada geela gudaheeda ka abuurmo neef xoog leh uga soo saarid.
gufaacood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg gufaacoo.
lid gufaaco [m.l] (-ooyin, m.l)
(juqr.) Gobol cadaadiska gibilkiisu ka sarreeyo kan gobolka deriska la ah.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg