Site icon Qaamuus

jawaabta

gulaal
(m.l)

1. G. ah: awr aan doobbada soo ridi karin; gorayciil; doobbogoray. 2. G. ah: nin aan codkar ahayn. 3. ld gulaalid.

gulaal
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-aalay, -aashay)

Qodax, nabar iwm neef geel ah addin ka iimayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gulaal

gulaalan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lmay, -lantay; -lmi)
1. Wax doobbo ka soo dhici weyday noqosho (awr). 2. Wax iin lug ku leh noqosho (neef geel).

gulaalan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
1. Wax doobbo ka soo dhici weyday ahaansho (awr). 2. Wax iin lug ku leh ahaansho (neef geel).

gulaalid [m.f.dh]
eeg gulaal². ld gulaal¹ (3).

gulaalmid [m.f.dh]
eeg gulaalan¹.

gulaalnaan [m.f.dh]
eeg gulaalan. ld gulaalnaansho.

gulaalnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld gulaalnaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version