gundhi
(m.l)1. ld gundhis. Bir yar oo caarad dhuuban iyo gawl leh oo kabaha iwm lagu tolo. 2. ld gundhin.
gundhi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)Xarig, madax iwm si tartiib ah oo aan joogto ahayn u nuuxin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gundhi ↴
dano [m.dh]
1. Dani. 2. In yar oo caano dhanaan ah oo gundhig looga dhigo caano la rabo in ay dhaqso u gorooraan. 3. In yar oo caano ah oo laga shubo caano la lulayo oo la siiyo qof la rumaysanyahay in uu u sancanyahay oo ay haantu subag badan dhalayso. 4. Biyo yar oo lagu daro caano la lulayo marka ay firfiraan.
gundhig [m.l]
Wax la biirinayo ama la tarminayo inta ugu horreysa oo laga bilaabo; saldhig; raasamaal.
gundhig [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Wax la biirinayo ama la tarminayo intooda ugu horreysa asaasid.
gundhigad [m.l]
ld gundhigasho.
gundhigasho [m.f.dh]
eeg gundhigo. ld gundhigad.
gundhigid [m.f.dh]
eeg gundhig².
gundhigo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-gtay, -gatay)
Wax la biirsanayo ama la taransanayo intii ugu horreysey billaabid.
gundhin [m.f.dh]
eeg gundhi². ld gundhi¹ (2).