habays
(m.l)ld habayn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh habays ↴
jaangooyo [m.dh]
1. Qorshe habaysan oo la raaci karo. 2. ld jaangooyn.
naatariyam-haydaroogsaydh [m.l] (-dhyo, m.dh)
(kiim.) (koostic sooda, NaOH). Adke cad oo sayax-milme ah una habaysan duneed, ilays gudbintiisuna liidato. Milanka uu ku jiraa waa alkali xooggan waana gudbiye-milme.
taallatiriyaad [m.dh] (-dyo, m.l)
Dhagxaan tiro badan oo sida buur yar u habaysan oo dadkii hore xabaasha madaxdooda ku dhisi jireen.
tacliin [m.dh]
Aqoon habaysan oo la barto.
dabaal [m.dh]
Dhaqdhaqaaq habaysan oo ay nafleydu sameyso markay biyo ku dhex jiraan si aayan ugu hafan. ld dabbaal².
dhayogsi-rayboniyuuglig [m.l]
(baay.) (Dh. asiidh) Asiidh bu'eed ka kooban tiro badan oo niyukliyootaydha ah oo u habaysan si ay u sameeyaan xidhmo keliya.
dhismo [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
(nax.) Qaabka ay u habaysanyihiin curiyeyaal afeed (sida “foniimyada”, “ereyada”, “oraahyada”), oo ku dhisan xiriirka isdhaafsan ee ka dhexeeya curiyeyaasha.
did [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Si aan habaysnayn u kala yaacid cabsi awgeed (xoolo ugaar iwm). ld dud².
feero [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Timo shanlo ku habaysasho. 2. Caw, mayrax iwm jeexjeexasho.
giirgiir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Midabayn aan habaysanayn; giir badan u yeeli.