halis
(m.dh)1. Xaalad waxyeello weyn keenta. 2. H. ah: khatar ah (meel).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh halis ↴
waabo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-btay, -batay)
1. Waab dhisasho. 2. Ka w.: nabar kugu soo socda ka
gabasho ama wax halis ah dib uga noqosho.
daacuun [m.l]
Cudur calooleed aad halis u ah, dhaqso u faafa oo leh shuban badan oo biyo ah. ld daacuun-calooleed, daacuuncaloolo. daacuun-calooleed, daacuuncaloolo
daadguree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
1. Wax badan meel si degdeg ah uga qaadid. 2. Wax iyadoo meel kale la geynayo halis ka badbaadin.
daafacaad [m.dh]
Ka hortagidda laga hortago halis cid ku soo fool leh.
eeg [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Qof ama wax indho ku hayn. Tus. “Beerta eeg”. 2. Soo ee.: booqasho ku tegid (meel). Tus. “Cali oo jiraan baan soo eegay”. 3. Ka ee.: halis ka ilaalin. Tus. “Carruurta dabka kaa eeg”. 4. Ku ee.: wax ku tijaabin. Tus. “Albaabka furaha ku eeg”. 5. Isu ee.: isbarbardhigid dad, waxyaabo, arrin iwm. Tus. “Labada qoraal isueeg”. 6. Iska ee.: wax, waxyeelladooda ka foojignaan.
maadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax halis ka dhawrid. ld maari.
maado [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-aatay, -aadatay)
Ka m.: halis iska ilaalid. ld maaro².
maafoos [m.l] (-syo, m.dh)
Nooc ka kd mid ah libaax badeedka halista ah. ld maanfoos.
nabaraan [m.l] (-nno, m.l)
Libaax badeed madow oo halis ah. ld neberoon.
abeeso [m.dh] (-ooyin, m.l)
Nooc halaqa ka mid ah, halis ah, gaabiya oo leh madax weyn, barabaro iyo neef ay isku difaacdo oo hadba ciidda ay ku nooshahay midabkeeda yeelato.
hal [m.l] (-lo, m.l)
1. Tirada eber iyo laba u dhexeysa; kow. Tus. “Wuxuu dhalay hal wiil iyo hal gabar”. 2. Eray; hadal. 3. H. ah: Wax isku duuban ama wada jira. Tus. “Annagu hal baynu nahay”. 4. Meel; xag. Tus. “Halkan dhig: meeshan dhig”.
hal [m.dh] (-lo, m.l)
Neef geel dhedig ah oo curtay.