haye
(Falkaab | Adverb)Waa tahay; hawraarsan; hallayeelo. ld hayeh.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh haye ↴
ha'ahaatee [xi]
ld hayeeshee. hayeeshee
wad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Xoolo, dad iwm meel ay joogeen ka kaxeyn. 2. Gaadid (markab, baabuur, iwm) meel ka kaxayn. 3. (f.g) Hawl la hayey sii fulin. 4. (f.mg) Ku w.: wax mala-awaalid. Tus. “Waxaan ku wadaa in uu maanta cali imaan doono”.
afhaye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
1. Turjubaan; afceliye. 2. Qof ku hadla magaca koox, dad, ummad iwm. ld afhayeen.
afhayeen [m.l]
ld afhaye.
awradhaye [m.l]
Nagaar xooluhu daaqaan oo dhirta daawada leh ka mid ah.
bakhaarhaye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Qof bakhaar ka shaqeeya oo furihiisa haya.
beddel [m.l]
1. ld beddelid. Dhaafsashada wax wax kale la dhaafsado. 2. ld beddelid. Wareejinta qof meel uu hawl ka hayey laga wareejiyo iyadoo meel kale la geynayo. 3. B. ah: qof meel uu hawl ka hayey laga wareejiyo iyadoo meel kale la geynayo si uu hawshii halka uga si wato.
beddelo [Fal Gudbe/Magudbe | Verb Transitive/Intransitive]
3 (-eshay, -elatay) 1. (f.g) Wax, wax kale dhaafsasho. 2. (f.mg) Ka b.: qof meel hawl ka hayey meel kale oo uu hawshiisii ka si wato aadid.
bes [m.dh]
1.(ld bis) 2. Erey lagu yiraahdo dameerka marka la doonayo in la joojiyo. 3. Erey loo jeediyo qof hawl hayey si uu u joojiyo. 3. B.tay baan ahay: waan liitaa.
biririf [m.dh] (-fo /-fyo, m.l)
Dhowr daqiiqadood oo hawl la hayey laga nasto.
ha [qr. 1. (nax.)]
Qurub ka hormara falka wax lagu farayo cid kale. Tus. “Wiilasha buugta
ha akhriyeen”. 2. Qurub ka hormara falka wax lagu reebayo (fal amar diidmo). Tus.“Ha keenin!”.