Site icon Qaamuus

jawaabta

heegan
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine)

1. Col yar oo col weyn dib u reeba; raacdareeb. 2. Wax diyaar ah. 3. ld heegmid. ld heeggan¹.

heegan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-gmay, -gantay; -gmi)

1. Wax heegan ahaansho. 2. Wax diyaar ahaansho.

heegan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-gnaa, -gnayd)

Wax la heegay ama heegan ahaansho. ld heeggan².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh heegan

saam [m.l]
Kaltanka heeganka.

gurmad [m.l] (-yo, m.dh)
1. G. ah: gargaar degdeg ah oo cid loo fidiyo. 2. G.ka booliska: koox ka mid ah booliska oo heegan u ah meeshii ay rabsho ka dhacdo. 3. Tababar ciidameed oo waajib ku ah dhallinta qaangaarka ah ee dal u dhashay. 4. ld gurmasho.

heeggan [m.l]
ld heegan¹.

heeggan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-gnaa, -gnayd)
ld heegan³.

heegmid [m.f.dh]
eeg heegan². ld heegan¹.

heegnaan [m.f.dh]
eeg heegan³. ld heegganaan, heegganaansho, heegnaan-sho.

heekaheeko [m.dh]
Wax heegan ah. ld heegaheego.

heeg [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Neef lug hore iyo lug dambe iskaga xirid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version