hiillo
(m.dh)ld hiil¹.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hiillo ↴
dangee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-geeyay, -geysay)
Cid hiillo u baahnayd oo garab la siin waayey ahaansho.
dangeysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Cid hiillo u baahnayd oo garab la siin waayey ahaansho.
dango [m.dh]
Garabsiin waayidda cid hiillo u baahnayd.
dangow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Cid hiillo u baahnayd oo garab la siin waayey noqosho.
dhiillo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Colaad iyo dhibaato. 2. Welwel iyo cabsi.
dhiilloo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Dhilloo dareemid.
dhiillood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg dhiilloo.
hiil [m.l]
Taageero la siiyo laba qof ama ka badan oo wax isku haysta midkood. ld hiillo.
hoosaas [m.l]
1. Hoos sameyn. 2. Hiillo la qarinayo. 3. Daruur roob.
hiil [m.dh]
Digo xoolaad oo uruurtay.
hiil [m.l]
Taageero la siiyo laba qof ama ka badan oo wax isku haysta midkood. ld hiillo.
hiil [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lay; -iishay)
ld hiili.