Site icon Qaamuus

jawaabta

hiyikac
(m.l)

Welwel iyo degganaan la'aan ku dhasha qof niyadda laga rabo awgeed. ld hawakac¹, niyadkac¹, niyakac¹.

hiyikac
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-cay, -cday; -kici)

Welwel iyo degganaan la'aan dareemid, wax niyadda laga rabo awgeed. ld hawakac², niyadkac², niyakac².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hiyikac

hawakac [m.l]
ld hiyikac¹.

hawakac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday; -kici)
ld hiyikac².

hiyikicid [m.f.dh]
eeg hiyikac². ld hawakicid, niyadkicid, niyakicid.

kacaan [m.l]
1. Isbeddel hawada gala oo keena kuleyl iyo daruuro badan oo muujinaya saadaal roob. 2. Isbeddel siyaaso, dhaqaale iyo bulsho oo qaran gudihiisa ku dhaca; tawrad. 3. Hiyikaca ku dhaca qof safar raba inuu galo. 4. ld kacaamid.

kalkaggeeddi [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
K. ah: qof socdaal raba hiyikaca ku dhaca.

niyadkac [m.l]
ld hiyikac¹.

niyadkac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday; -kici)
ld hiyikac².

niyakac [m.l]
ld hiyikac¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version