hoggaamiye
(m.l) (-yayaal, m.l/dh)1. ld hoggaanshe. Qof dad hor kaca. 2. Qof wax maamula.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hoggaamiye ↴
afyaal [m.l]
1. Hoggaamiye; horyaal. 2. Qof cid u qaabbilsan soo dhoweynta. 3. Aftahan. 4. Oodafo. 5. Mir ka duwan iniinaha tusbaxa, dheer, oo soo ooda taxa tusbaxa.
hoggaanshe [m.l]
ld hoggaamiye.
keligitaliye [m.l]
(keligood taliyayaal, m.l/dh) (siyaa.) Hoggaamiye waddan ku qabsaday xoog, awoodda xukunkana ku haysta si kelinnimo ah, tashi la'aan. ld kaligitaliye.
keligitashe [m.l]
(keligood tashayaal, m.l/dh) (siyaa.) Hoggaamiye, ama qof kale oo leh awood weyn, oo awooddiisuna ku isticmaala si xaq daro iyo cadowtinnimo. ld kaligitashade.
maqaddin [m.l] (-nno, m.dh)
Madax; hoggaamiye.
hoggaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Awr hoggaan ku wadid. 2. Dad hor kicid ama meel tusid. 3. Wafdi, hay'ad iwm madax u noqosho.