Site icon Qaamuus

jawaabta

hogo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Roobka ugu horreeya ee xilliga guga ama dayrta kulaylka ka dhasha.

hogo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-gtay, -gatay)

Nafley meel is tubid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hogo

yib [m.dh]
Cayaar fadhiga lagu dheelo, shan iyo labaatan hogood leh, si afar gees ah dhulka loogu calaamadiyo, oo ay dheelaan laba qof oo kiiba yeesho laba iyo toban dhagax oo isku midab ah, waxaana loo cayaaraa habka daamada loo dheelo.

caynsane [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
Bayd faal oo madaxa iyo manjaha min laba ka ah, labada hogood oo dhexda ahna min hal.

dameerhogo [m.dh]
Howtulhamag.

dhogof [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Weel yar oo godan oo wax lagu dhurto.

dhogofsasho [m.f.dh]
eeg dhogofso. ld dhogofsi.

dhogofsi [m.l]
ld dhogofsasho.

dhogofso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Dhogof hoore dardarsasho.

dhogor [m.dh]
1. Timaha xoolaha ugaarta, dugaagga iwm dushooda ka baxa. 2. Dh. ah: Tiro go'an oo xoolo nool ah.

dhogordhacsad [m.l]
ld dhogordhacsasho.

dhogordhacsasho [m.f.dh]
eeg dhogordhacso. ld dhogordhacsad, dhogordhacsi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version