kalli
(m.l)(c.nafl.) Dhisme ka kooban dhuumo kuwaas oo gudbiya dareerayaasha. Dhinaca dhirta dareerayaashu waa biyo, milanno ka samaysan cusbooyin aan orgaanik ahayn ama milanno cunto ah. Dhinaca xayawaanka dareerayaashu inta badan waa dhiig, ama dhiig iyo limf dhinaca lafdhabarleyda.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kalli ↴
uugaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Geel in uu uugaan sameeyo ku kallifid.
asbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, xday; -bixi)
Ku a.: cid dhibaato kula kallihid.
asbixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ku a.: cid meel, ama wax ku kallihin.
carruuree [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-reeyay, -raysay)
1. Cid in ay sida carruurta u dhaqanta ku kallifid. 2. Is c.: carruur iska dhigid.
cudurdaar [m.l] (-rro, m.dh)
Sababta uu qof ka sheego waxa arrin ku kalliftay.
cudurdaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
U c.: sababta arrin kalliftay sheegid.
diir-hoose [m.l] (-ayaal, m.dh)
(bot.) Botani ahaan, nudaha u dhexeeya dubka sare iyo habdhiska kalli ee jirridaha iyo xididdada geedka.
hiireyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Arooryo hore kallihid.
jarmaadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax aroor hore socodsiin; kallihin. ld jermaadi.
kallahid [m.f.dh]
eeg kallah². ld kallihid.
kal [m.l] (-lal, m.l)
1. Waa; goor; sano. 2. Miile.
kal [m.dh] (-lo, m.l)
1. Hiyi; laab; qalbi. 2. Lafaha dhudhammada midkood. 3. Tibta mooyaha wehelisa ee badarka lagu tumo ama awrta lagu raro. 4. Meel ballaaran oo biyuhu galaan.
kal [m.dh]
(jool.) Qayb ka mid ah taxanaha waqti jiyoolojiyeedka, oo ah in ka mid ah waaga, kal naftigiisa waxaa loo sii qayb-qaybiyaa saman-saman.