Site icon Qaamuus

jawaabta

karbaash
(m.l) (-shyo, m.dh)

1. Suun dhuuban oo dheer oo dabo la qabto leh, waxna lala dhaco, jeedal. 2. Calallo, jawaano iwm oo la isku tolo oo waxyeellada rarka looga celiyo gaadiidka.

karbaash
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-shay, -shtay)

Wax jeedal la dhicid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh karbaash

dhac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday; -dhici)
1. (f.g) Hanti cid kale leedahay si xoog iyo sharcidarro ah ku qaadid. 2. (f.g) La dh.: ul, karbaash, gacan iwm wax ku garaacid. 3. (f.g) Dhurwaa habeen xero xoolo ku jiraan weerarid. Tus. “Dhurwaa baa xeradii u dhacay”. 4. (f.mg) Wax meel sare ka soo dillaamid. 5. (f.mg) Ku dh.: imtixaan ku gudbi waayid. 6. (f.mg) Qorrax, dayax iwm godgelid. 7. (f.mg) Wax waqti loogu talaggalay dhammaysasho. 8. (f.mg) Dabayl xoog u socosho. 9. (f.mg) Xabbad iwm qarxasho. 10. (f.mg) Wax culus oo aan la filayn soo kordhid. 11. (f.mg) La dh.: wax si aad ah ugu bogid. 12. (f.mg) Ku dh.: wax aan laga fiirsan falid. 13. (f.mg) Ku dh.: dhar iwm lebbisasho. 14. U dh.: si dhuumasho ah wax u boobid. 15. (f.mg) Biyo aan loo miyayn cabbid (xoolo).

karbaashid [m.f.dh]
eeg karbaash².

nadi [m.l] (-iyo/nadi, m.dh)
Jeedal yar oo faraska lagu dhufto si uu u dheereeyo; karbaash.

nadiyee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-yeeyay, -yaysay)
Wax nadi ama karbaash la dhicid.

shaabuug [m.l] (-gyo, m.dh)
Suun dhuuban, dheer, dabo la qabsado leh oo wax lala dhaco; karbaash; jeedal.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version