Site icon Qaamuus

jawaabta

karoor
(m.l) (-rro, m.dh)

1. Meel dhisan oo lagu kaydiyo dalagga ka soo go'a beeraha, kana samaysan tiirar kor loo dhisay dushana laga saaray caws iyo hargo. 2. Wax badan oo lays dulsaaray.

karoor
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

Wax badan is dul saarid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh karoor

haad-karoor [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
ld haad-kacarar. haad-kacarar

waago [m.dh]
Marka karoorka badarka la tumo ee maseggadu sabuulka ka baxdo dufalka soo hara.

karoorad [m.l]
ld karuurasho.

karooran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax badan oo lays dul saaray ahaansho.

karoorasho [m.dh]
ld karuurasho.

karoorid [m.f.dh]
eeg karoor².

karoornaan [m.f.dh]
eeg karooran. ld karoor-naansho.

karoornaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld karoornaan.

karo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-oday, -otay)
Maro, darbaal iwm oo meeli ka daloosho karin saarasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version