Site icon Qaamuus

jawaabta

kedis
(m.l)

1. Fal u dhaca si lama filaan ah. 2. Barnaamaj aqooneed oo lagu tartamo. 3. ld kadin².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kedis

daad [m.l] (-dad, m.l)
(juqr.) Biyo si kedis ah oo dar-dar ah u shubma ee uu gaar ahaan keeno roobka weyn ee ka da'a waadiyada meelaha lamadegaan-u-ekeyaasha ah.

daaddeg [m.l] (-gyo, m.dh)
(juqr.) Qayb ka mid ah webiga oo socoshada biyaheedu ay ka dheerayso socoshada caadiga ah ee biyaha. Waxa laga yaabaa inay sababto tiirada oo janjeerkeedu si kedis ah kor ugu kaco, ama adkaysiga dhadhaabaha biyuhu dul marayaan oo aan isla ekayn.

wac [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
Iftiin xoog leh oo si kedis ah dad u cawiro.

bardad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Cabsi kediso ah la wareerid; argaggexid. ld barkad², barkag², berded², berkeg².

barriiji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax xawli ku ordaya si kedis ah u hakin ama u weecin. 2. Ku b.: wax jilicsan ballaarin.

bash [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
1. Biyo b. ka sii: biyo ku firdhin. 2. Dharbaaxo b. ka sii: si kedis ah dharbaaxo qof ugu dhufasho.

baydad [m.l]
1. ld beygag 1. Cabsi kedis ah oo wax cabsi lahayn ka didda. 2. ld baydadid.

daf [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
Cod tilmaama socod ama dhawaaq kedis ah.

daf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
Ka d.: wax si kedis ah u dhufsasho.

dalaq [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
Cod tilmaama socod kedis ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version