keeda
(mu.lh.l)(kuweeda, w) Magacuyaal lahaansho oo dhaddig, oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dhaddig) ay leedahay. Tus.”keedu wuxuu ka muuqdaa halkaas”. .
keeda
(dk.lh.l) (-keeda)Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dheddig) ay leedahay. ld keed.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh keeda ↴
afaraad [m.l/dh.t.j]
Tirada jagaale, keeda u dhigma afarta. ld afraad.
cawl [m.l]
1. Midab casaan xigeen ah. 2. Cawsha keeda lab.
dawac [m.l] (-cyo, m.dh)
Dawacada keeda lab.
deer [m.l] (-rar, m.l)
Deerada keeda lab.
haldhaa [m.l] (-aayo, m.dh)
Gorayada keeda lab.
halyey [m.l] (-yo, m.dh)
1. Uubatada keeda lab. 2. Geesi, wabar.
huryo [m.dh] (-ooyin, m.)
1. Dawacada keeda dheddigga ah. 2. Shimbir yar oo ganfuur cas oo geela garbaha ka cunta; jirri.
keed [dk.lh.l] (-keed)
ld keeda².
kee [mu.we.l]
kuwee, w Magacuyaal weyddiimeed oo lab oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. tus. “ Waa kee midka aaday xafiiska?.” .
kee [dk.we.l] (-kee)
Dibkabe weyddiimeed oo lab, oo wax ama qof lagu hubsado. Tus. “Wiilkee baa kula hadlay?”.