Site icon Qaamuus

jawaabta

khaas
(m.l)

1. K. ah: wax gaar ah oo lagu keli yahay. 2. K. ahaan: gaar ah, gooni ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh khaas

organ [m.l] (-no, m.dh)
(c.nafl.) Qayb ka mid ah jidhka noolaha oo u khaas ah, inay qabato hal shaqo ama in ka badan. Tusaale, xayawaanka: dhegaha, indhaha, sambabada iyo kelyaha. Tusaale, dhirta: caleemaha, xididdada iyo ubaxa. Organku wuxuu ka koobanyahay nudo badan oo kala duwan.

dhiigkar [m.l]
(daaw.) Cadaadiska dhiigga oo sarreeya. Cadaadiska dhiigga oo kor uga kaca cabirka caadiga ah da' khaas ah lagu yaqaan.

gaar [m.l]
1. Wax cid si gooni ah u khuseeya. 2. Qof loo xilsaaray, inuu ilaaliyo xafiis, dukaan iwm. 3. G. ah: khaas ah. 4. Dhaawac callirsan.

khaash [m.l]
Cunno, miro, dawo iwm oo intay raageen xumaadey; faad. ld qaash.

khaash [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-shay, -shtay)
Cunno, miro, dawo iwm faadid.

khaashid [m.f.dh]
eeg khaash².

khusuusi [m.l]
1. Lataliyeyaashii Sayidka mid ka mid ah. 2. Wax gaar ama khaas ah. ld qusuusi.

makhaasiin [m.l]
ld maqaasiin.

masafo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Nooc ka mid ah maansada oo wadaaddada khaas u ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version