khamiirid
(m.f.dh)eeg khamiir².
khamiirid
(m.dh)(baay.) Isbeddel kiimikaad oo ay walxaha orgaanikada ku dhaliyaan waxyaabo nool (sida: yiist, baktiiriya, iwm). Falkaasna waxa keena insaymo. Waa dariiqada lagu diyaariyo alkoollada (sida: itanool). Marka insaymka loo yaqaan siyaameys uu la falgalo sonkoraha (sakaraydhada) ku jira istaarijka.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh khamiirid ↴
qamiirid [m.dh]
ld khamiirid.
khamiir [m.l]
1. Badar cajiiman, muddo la huuriyo si loo dubi karo. 2. Badar yar, cajiiman oo canjeero, bur iwm lagu fixiyo.
khamiir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Badar cajiiman khamiir noqosho.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg