khamri
(m.l)ld khamro.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh khamri ↴
maandooriye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Waxyaaba miyirka qofka lumiya sida khamriga, xashiishka iwm; mukhaddaraad.
biir [m.l]
Nooc khamriga ka mid ah oo aan alkolo badan lahayn.
canab [m.l]
1. Geed saaq, dhala miro yaryar, kulkulucsan, caddaan ama guduud ah, cutubcutub u baxa oo sidooda lagu cuno ama khamri laga sameeyo ama inta la qallajiyo sibiib laga dhigo. 2. Miraha geedkaas dhala. 3. C. ah: kuul mirahaas u eg. ld cinab.
khamraysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Ahaansho qof khamri cabsan.
khamriyacab [m.l] (-byo, m.dh)
Qofka khamriga cabba.
khamro [m.dh]
Wax kasta oo la cabbo oo aalkol ku jirto oo lagu sakhraamo. ld khamri.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg