khatar
(m.dh)1. Dhibaato halis ah. 2. K. ah: wax waxyeello ama dhibaato ka iman karta, halis.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh khatar ↴
badbaadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax khatar ka nabadgelin. ld badbaadee.
badbaado [m.dh]
Xaalad aan khatar lahayn oo ay wax ku sugnaadaan.
badbaadso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Ka b.: qof, wax khatar ku sugnaa ka samatabbaxsasho. ld badbaadayso.
cudur-raagay [m.l] (-rro ..., m.dh)
(daaw.) Sifo cudur muddo dheer socda; sida badan cudurkaas si kadis ah uma bilowdo. Ereygu waxba kama sheegayo khatarta cudurka. cudurrada galmada (C.G.) m.dh (daaw.) (C.G.) Cudur kasta oo la isugu gudbiyo galmada ama isutagga ragga iyo dumarka. C. g.du waxay ka koobanyihiin: eydiska, xabbadda (waraabow), jabtada, herbiska cawrada.
dhigo [Fal Gudbe/Magudbe | Verb Transitive/Intransitive]
3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g) Wax la hayay meel saarasho. 2. (f.g) Wax kaydsasho. 3. (f.g) Cashar qorasho. 4. (f.g) Dugsi wax ka barasho. 5. (f.g) Ballan, heshiis iwm cid la gelid. 6. (f.mg) Ka dh.: wax, wax kale u beddelasho. 7. (f.mg) Is dh.: qof khatar iwm oo ku soo fool leh oo loo baahnaa in uu ka gaashaanto ka seexasho.
dhuux-lafo-holac [m.l]
(daaw.) Halaama- coodka dhuuxa iyo lafaha oo uu keeno caabuq. Waa khatar la socota markii lafi jabto, waa in si aad ah looga taxadaraa mar walba oo dhuuxa la gaaro xilliga qallinka lafaha iyo xubno-isgoysyada. Waxa kale oo keeni kara jeermi dhiigga la socda.
dool [m.l] (-lal, ml.)
Qof dilaa ah, tuug khatar ah, bahal halis ah iwm oo meel aan laga aqoon yimid.
duud-dhadhaabeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(jool.) Duud bataax ama dhadhaab ah oo in yar ka hooseeya badda ama wabiga dushiisa, oo khatar ku ah bad maaxidda.
golacas [m.dh]
1. Nooc sagaarada ka mid ah. 2. Qorraxda galabnimo, gaar ahaan markay ugu kulushahay. 3. Dawaco khatar ah.
halis [m.dh]
1. Xaalad waxyeello weyn keenta. 2. H. ah: khatar ah (meel).